Monday, October 12, 2026

M/Cirro:-“Trump waa Nin wayn Oo Taarikh Sameeyay Markale-na Taarikh Qori kara Hadii Uu Somaliland Aqoonsado

by Heemaaln
3 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ugu baaqay inuu aqoonsado Somaliland, isaga oo sheegay in tallaabadaasi taariikh cusub u furi karto hoggaamiyaha Maraykanka. Cirro ayaa hadalkan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey warbaahinta Breitbart News, intii uu ku sugnaa magaalada New York, halkaas oo uu kaga qaybgalay hawlaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

“Waxaan aaminsanahay in Madaxweyne Trump uu yahay nin weyn. Taariikh ayuu sameeyey, waxaanu samayn karaa taariikh intaas ka badan isaga oo aqoonsanaya dal cusub oo la yidhaahdo Somaliland,” ayuu yidhi Cirro. Waxa uu sheegay in Somaliland diyaar u tahay inay Maraykanka kala shaqayso la dagaallanka argagixisada, budhcad-badeedda iyo sugidda amniga badda, iyo sidoo kale badqabka marinnada ganacsiga caalamiga ah.

Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah u xusay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee dekedda Berbera, isaga oo sheegay inay awood u leedahay inay qaabisho shixnadaha waaweyn ee ganacsiga caalamiga ah. Waxa uu tilmaamay in shirkado waaweyn oo maraakiibta ganacsiga ahi ay dekedda u isticmaalaan isu-socodka badeecadaha, isla markaana ay Somaliland noqon karto xarun saadka iyo ganacsiga isku xidha Afrika, gaar ahaan dalalka aan lahayn xeebaha, sida Itoobiya.

Cirro ayaa sheegay in booqashadiisii Maraykanku ay ahayd mid wax-ku-ool ah, isaga oo xusay inuu kulamo la yeeshay xubno ka tirsan Aqalka Wakiillada, Senatka iyo masuuliyiin ka tirsan waaxyaha dowladda Maraykanka, oo ay ku jiraan kuwa arrimaha dibadda, dagaalka, tamarta iyo maaliyadda. Waxa uu sheegay in inkasta oo aanay weli Somaliland helin aqoonsi rasmi ah oo Maraykanku siiyo, haddana ay ku qanacsan yihiin heerka wada-shaqaynta labada dhinac, isla markaana ay rajaynayaan in xidhiidhku sii horumaro.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in muhiimadda amni ee Somaliland ay sii kordhayso, gaar ahaan marka la eego xaaladaha Yemen iyo xiisadaha ka jira marin-biyoodka Hormuz. Waxa uu sheegay in Somaliland muddo 35 sannadood ah si madax-bannaan u sugaysay amniga biyaha ku xeeran, isaga oo ku dooday in goobta ay ku taallo Somaliland ay muhiim u tahay badqabka maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah. Waxa uu intaas ku daray in Somaliland iyo Maraykanku ka wada hadlayaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

Cirro ayaa aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo jebisay caqabaddii hortaagnayd aqoonsiga caalamiga ah, isaga oo sheegay inay Somaliland u sahashay inay si weyn uga dhex muuqato indhaha caalamka. Waxa kale oo uu taageeray in Trump la siiyo abaalmarinta Nabadda ee Nobel, isaga oo ku sababeeyey dadaallada uu sheegay inuu madaxweynuhu ka sameeyey xallinta colaadaha caalamka. Cirro waxa uu sidoo kale sheegay in Somaliland diyaar u tahay inay 2,000 oo askari oo nabad-ilaalin ah u dirto Qasa, si ay uga qaybqaataan dadaallada nabadeed ee uu ku sheegay inay hoggaaminayaan xubno ka tirsan maamulka Trump.

Ugu dambayn, madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland aanay Maraykanka u tegin inay codsato kaalmo dhaqaale, balse ay doonayso iskaashi ku dhisan ganacsi, amni iyo horumar dhaqaale. Waxa uu farriin u diray shacabka Maraykanka, isaga oo Somaliland ku tilmaamay dal nabdoon oo dimuqraadi ah, lehna fursado maalgashi iyo goob istaraatiiji ah.