Laascaanood 5-7-2026:- Xeer Madaxweyne Ln. 14/26 Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya Mud. Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali markuu dhagaystay warbixinta hay’ada amniga ee dawladda, waxa uu si waafaqsan qod. 72 ee Dastuurka DWBS magacaabay:-
Guddiga Baadhista iyo xal u helidda dilkii Adhicadeeye
Xubnaha Guddiga ayaa kala ah:
1.Wasiir Gen. Cabdi Xasan Maxamed—Guddoomiye
2.Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Ducaale
3.Wasiir Jaamac Faarax Muuse
4.Xildhibaan Cabdiqaadir Cabdi Warsame
5.Xildhibaan Cabdi Muuse Axmed
Madaxweynaha ayaa xubnaha ugu duceeyay in Illaahay u fududeeyo masuuliyadda uu igmaday oo ah inay si madaxbanaan u baadhaan dhacdadii dadka lagu laayay sidoo kalena ay dib u u eegis ku sameeyaan dhammaan doorkii iyo tallaabooyinkii ay qaadeen hay’adaha amnigu ka hor iyo kaddib dhacdadaas.
