Maamulka Madaxweyne Trump ayaa Jimcihii maanta ka qaaday cunaqabateyntii uu Maraykanku saaray Ciidamada Difaaca Eritrea iyo hay’ado kale oo dalkaas ah, sida lagu sheegay ogeysiis ka soo baxay Waaxda Maaliyadda Maraykanka.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid furi karta bog cusub oo xidhiidhka Washington iyo Asmara, xilli Maraykanku mar kale xoogga saarayo amniga iyo marinnada ganacsiga ee Badda Cas.
Maraykanku wuxuu cunaqabateynta Eritrea saaray 2021, xilligii Madaxweyne Joe Biden, isagoo ku eedeeyay ciidamada Eritrea inay ku lug lahaayeen dagaalkii Tigray ee Itoobiya.
Eritrea waxay leedahay xeeb dheer oo ku teedsan Badda Cas, kana soo horjeedda Sacuudiga, taas oo kordhinaysa muhiimaddeeda istiraatiijiga ah.
