Saturday, September 26, 2026

Sirdoonka Masar Oo la Sheegay inay Israa’iil Uga Digeen Weerarkii Xamaas ee 7 Oktoobar 2023.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wargeyska The Atlantic, ayaa soo bandhigay xog aan horey loo baahin oo lagu sheegay sirdoonka Masar inay Israa’iil uga digeen weerarkii Xamaas ee ay qaaday 7 Oktoobar 2023.

Waxaa lagu sheegay sirdoonka Masar, hay’addii u horreysay ee sirdoon oo Israa’iil la wadaagtay xog faahfaahsan oo la xiriiray dhaqdhaqaaqa Xamaas , oo sheegaysa in Qasa ay wajigooda ku qarxi doonto.

Laakiin nidaamka uu hoggaaminayay Netanyahu digniinta Masar si dhab ah uma qaadan.

Warbixintan waxay daahqaaday 26-kii September 2023, madaxa sirdoonka Masar ee xilligaas, Cabbaas Kaamil, inuu u safray Israa’iil.

Wuxuu ku tagay diyaarad nooca Cessna ah oo lala xiriiriyay hay’adda sirdoonka Masar.Markii uu gaaray Israa’iil, wuxuu madaxda sirdoonka Israa’iil u sheegay in Xamaas ay diyaarinayso weerar weyn.

Cabbaas Kaamil wuxuu sidoo kale soo jeediyay in Xamaas loo sameeyo gargaar iyo tanaasulaad dhaqaale, si loo dejiyo xaaladda loogana hortago in dagaal uu qarxo.

Diyaaraddii uu watay Cabbaas Kaamil ayaa Israa’iil ka duushay 67 daqiiqo kadib markii ay timid.Hase yeeshee, nidaamka Netanyahu ma aysan si dhab ah u qaadan digniintii Masar.

11 maalmood kadib, 7-dii Oktoobar 2023, Xamaas ayaa weerar weyn ku qaaday Israa’iil, waxaana billowday dagaalkii Qasa