Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guuldarro 2-1 ah kala kulmay Gambia, kulankii ugu horreeyay ee isreeb-reebka Koobka Qaramada Afrika ee AFCON 2027, kaas oo lagu ciyaaray garoonka Independence Stadium ee magaalada Banjul.
Gambia ayaa ciyaarta hoggaanka qabatay daqiiqaddii 18-aad, kaddib markii Ebrima Colley uu gool rigoore ah u dhaliyay xulka martida loo ahaa.
Soomaaliya ayaa qeybtii labaad soo laabatay, waxaana daqiiqaddii 72-aad goolka barbardhaca u dhaliyay Bilal Njie, taas oo xulka Ocean Stars siisay fursad ay ciyaarta ugu rogaan natiijo wanaagsan.
Hase yeeshee, rajadii Soomaaliya ayaa burburtay daqiiqaddii 83-aad, markii Muhammed Badamosi uu Gambia u dhaliyay goolka labaad, isaga oo kooxdiisa u xaqiijiyay saddexda dhibcood.
Soomaaliya ayaa inta badan ciyaarta la tartantay Gambia, iyadoo heshay saddex koorno, halka Gambia ay hal koorno oo keliya heshay. Si kastaba, Ocean Stars ayaa sameysay hal darbo oo keliya oo bartilmaameedka ku socday, halka Gambia ay sameysay afar.
Guuldarradan ayaa Soomaaliya uga dhigan inaysan wax dhibco ah ka helin kulankeeda koowaad ee Group A.
Kulanka xiga ayaa Soomaaliya la ciyaari doonta Ivory Coast 29-ka Sebtembar, iyadoo ciyaarta lagu qaban doono dalka Ivory Coast maadaama Soomaaliya aysan xilligan haysan garoon ay CAF u aqoonsan tahay martigelinta ciyaaraha heerkan.
Group-ka Soomaaliya waxaa sidoo kale ku jira Ghana, halka labada xul ee ugu sarreeya Group A ay si toos ah ugu gudbi doonaan tartanka AFCON 2027, kaas oo lagu qaban doono Kenya, Uganda iyo Tanzania.
