Malayshiyo beeleed Ciraaqi ah oo lagu magacaabo Al-Shaghaana ayaa sheegay inuu soo furtay markab Ciraaqi ah oo ay afduubteen burcad-badeed Soomaali ah. Markabka waxaa isla leh ganacsade isla qabiilkaas ah.
Qabiilku wuxuu sheegay in iska horimaad hubeysan uu dhacay, laguna dilay qaar ka mid ah burcad-badeedda, qaar kalena la qabtay. Markabka oo shidaal ka soo qaaday Imaaraadka ayaa lagu soo furtay howlgalka.
Saraakiil si dhaw ula socotay ayaa sheegay in malayshiyaadka ay howgalka iska kaashadeen ciidanka Puntland oo ay ku wareejiyeen maxaabiistii ay qabteen.
Tan ayaa meesha ka saaraysa sheegashada Puntland ee soo furashada marka oo mudo ku afduubnaa xeebaha maamulka oo leh ciidamo dhanka bada ah iyo deegaanada ugu badan ee Falalka burcadnimo ka dhacaan.







