Siday qortay jariiradda Washington Post; Boqortooyada Sucuudi Careebiya ayaa ku fekeraysai n ay samaysato hubka Nukliyeerka, iyada oo sheegeysa in haddii Iiraan ay yeelato hubka Nukliyeer ay iyana waajib tahay in ay haysato.
Tani waxa ay soo baxday xilli Trump uu bishii Luulyo ee sannadkan la saxiixday Sacuudi-ga heshiis dhanka Nukliyeerka-rayidka ah, iyada oo xildhibaano badan oo Mareykanka ah ay ka walaacsan yihiin in mustaqbalka boqortooyadu ay Yuraaniyamka u adeegsan karto in ay ku sameystaan hub Nukliyeer ah, taasi oo horseedi karta tartan hub ah oo ka dhasha Bariga-dhexe.
