Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay in Shiinaha uu diyaar u yahay inuu si dhow ula shaqeeyo dalalka Afrika si wax looga qabto saameynta ka dhalatay colaadda u dhexeysa Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan.
Isagoo ku sugan Beijing, kana hadlay kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Mozambique Daniel Chapo, Xi wuxuu carrabka ku adkeeyay in hirarka colaadda Bariga Dhexe ay si toos ah u saameynayaan qaaradda Afrika.
“Saameynta colaaddan waxay gaareysaa Afrika, waxaana diyaar u nahay inaan si wadajir ah ula shaqeyno dalalka si aan uga jawaabno, nabadna u hormarino, horumarna u wada raadsanno,” ayuu yiri, sida ay baahisay CCTV.
Xi Jinping ayaa sidoo kale ku baaqay in Shiinaha iyo Afrika ay si mideysan u dalbadaan xabbad-joojin degdeg ah, si loo joojiyo dagaallada, isla markaana uu ku dhiirrigeliyay beesha caalamka inay qaataan waxa uu ku tilmaamay wadajir dhab ah oo dhinacyo badan leh.
