Maraykanka oo ka Digay Cawaaqibka ka Dhalan kara Colaadda Laga Hurinayo Muqdisho

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Mareykanka ayaa ka digtay in tallaabooyinka la qaado saacadaha iyo maalmaha soo socda ay saameyn weyn ku yeelan karaan amniga, midnimada iyo mustaqbalka Soomaaliya, iyadoo ay sii xoogeysanayaan xiisadaha iyo dagaallada ka socda caasimadda Muqdisho.

Qoraal ay soo saartay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in rabshadaha ka socda Muqdisho ay yihiin kuwo halis ku ah xasilloonida dalka, isla markaana loo baahan yahay in dhinacyada siyaasadda ay mudnaanta siiyaan xal nabadeed.

“Rabshadaha ka socda Muqdisho waa kuwo aan laga fiirsan. Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee dhammaan dhinacyadu waxay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta xasilloonida iyo in khilaafaadka lagu xalliyo hab nabadeed,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Safaaraddu waxay intaas ku dartay in go’aannada la qaato saacadaha iyo maalmaha soo socda ay yeelan karaan cawaaqib muddo dheer saameeya amniga, wadajirka iyo jihada mustaqbalka ee Soomaaliya.

Digniinta Mareykanka ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Muqdisho ka socdaan iska horimaadyo iyo xiisado siyaasadeed oo sii kordhaya, kuwaas oo walaac ka abuuray xaaladda amni iyo xasillooni ee caasimadda.