Tuesday, September 1, 2026

Ilaalada Kacaanka Iran Oo ku Hanjabay inay si culus Uga Jawaabi doonto Weerarkii Mareykanka Ee Caawa

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Afhayeen u hadlay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegay in ay si culus uga jawaabi doonaan weerarkii uu caawa Mareykanka ka geystay gudaha Iran.

Hossein Mohebi ayaa Mareykanka ugu hanjabay “ciqaab adag”, isaga oo sheegay in Mareykanku uu “ka shallayn doono weerarradiisa cusub”.

Hadalkan ayaa yimid xilli Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Iran uga digay inay qaaddo tallaabooyin aargoosi ah.

Dhanka kale, Taliska Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Iran ayaa sheegay in ay weerarrada Mareykanka uga jawaabi doonaan “duqeymo waxyeello ba’an geysta”.