Mareykanka Oo Maraakiibtiisa Ddagaalka Dib Ugu Celiyay Bariga dhexe.

by Heemaaln
1 minutes read

Mareykanka ayaa maraakiibtiisa dagaalka dib ugu celiyay bariga dhexe. Markabka diyaaradaha xambaara ee USS Abraham Lincoln ayaa ku sugan badda Cumaan.

Waxaana halkaas gaadhay USS Gerald Ford oo ah markabka diyaaradaha xambaara ee ugu wayn Dunida, kaasoo ay weheliyaan maraakiibta wax burburiya ee USS Mahan iyo USS Winston Churchill.

Sidoo kale waxay wararku sheegeen in Markabka kale ee diyaaradaha xambaara ee USS George W.H Bush uu isna dhamaadka bishan gaadhayo bariga dhexe oo ku biirayo maraakiibta dagaal Mareykanka ee gobolka ku sugan.

Mareykanka ayaa maraakiibtiisa dagaalka markale ku daabulaya bariga dhexe xili sidoo kale diyaaradaha dagaalka Mareykanku ay si aan kala joogsi lahayn ugu sii qulqulayaan gobolka, ma cada waxa Trump maagan yahay xili uu wali Mareykanku xayiraad baddeed ku hayo Iiraan.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.