Laba badmaax oo u dhashay dalka Azerbaijan ayaa ku dhintay, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen, ka dib markii diyaarado aan duuliye lahayn ay weerareen markabka jiida maraakiibta ee TEDY, oo ku sugnaa Badda Madow, meel u dhow dekedda Odesa ee Ukraine.
Markabka TEDY, oo wata calanka Soomaaliya isla markaana ay leedahay shirkadda Turkiga ah ee Mert Marine Corporation, ayaa markii ugu horreysay la weeraray 9-kii bishan September. Markabka waxaa saarnaa 10 shaqaale ah: 4 Azerbaijan u dhashay, 3 Turki ah, 2 Jarmal ah iyo 1 Ukraine u dhashay.
Ka dib weerarkii ugu horreeyay, markabku isagoo waxyeello soo gaartay ayuu u dhaqaaqay dhanka magaalada Constanța ee dalka Romania, balse maalin ka dib ayaa mar kale lagu qaaday laba weerar oo loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn.
Weerarradaas waxaa ku dhintay labada badmaax ee Azerbaijan u dhashay, Aslan Aliyev iyo Asim Gasimov. Laba kale oo Azerbaijan u dhashay, Imran Novruzov iyo Rauf Aliyev, ayaa sidoo kale ku dhaawacmay, waxaana isbitaalka magaalada Chornomorsk ee Ukraine loogu qaaday daaweyn.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Azerbaijan ayaa sheegtay in ay waddo dadaallo diblomaasiyadeed iyo qunsuliyadeed oo lagu doonayo in labada dhaawacmay dib loogu celiyo dalkooda marka daaweyntooda la soo gabagabeeyo.
Ilaa hadda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Azerbaijan ma aysan sheegin cidda ka dambeysay weerarka.
Warbaahin iyo ilo kale ayaa weerarka la xiriiriyay ciidamada Ruushka, iyadoo Wasaaradda Difaaca Ruushku isla maalinta uu weerarka dhacay ay xaqiijisay inay weerarreen markab jiidayay maraakiib oo
ku wajahnaa magaalada Odesa ee dalka Ukraine,balse si rasmi ah looma xaqiijin markabka Ruushku sheegeen inuu weerarray inuu ahaa markab ka diiwaangashay Soomaaliya oo calanka Soomaaliya ku gooshayay ee TEDY.
TEDY waa markab jiida maraakiibta oo wata calanka Soomaaliya,waxaana uu leeyahay lambarka caalamiga ah ee IMO 9059200. Markabku wuxuu dhererkiisu yahay qiyaastii 30 mitir, ballaciisuna wuxuu ku dhowyahay 8 mitir
