Marykanka Oo ku Dhawaaqay Xoojinta Cunaqabataynta Dhaqaale Ee Lagu soo Rogay Iran

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Scott Bessent ayaa sheegay in Washington ay xoojinayso ololaha cadaadiska dhaqaale ee ka dhanka ah Iran, iyadoo bartilmaameedku yahay in la jaro ilaha dhaqaale ee Tehran iyo in dalka laga go’doomiyo ganacsiga caalamka.

Bessent ayaa sheegay in Mareykanku beegsan doono dhammaan ilaha dakhliga Iran, oo ay ku jiraan saliidda, isaga oo sheegay in ujeeddadu tahay in laga hortago dalalka iyo shirkadaha ganacsiga la sameeya Tehran.

“Ujeeddadeennu waa inaan adduunka oo dhan ka jarno dhammaan halbowlayaasha dhaqaale ee taageera nidaamkan,” ayuu yiri Bessent.

Wuxuu sidoo kale digniin u diray dalalka iyo shirkadaha fududeeya iibka saliidda Iran ama ganacsi la sameeya Tehran, isagoo sheegay in cunaqabateyn dheeraad ah lagu soo rogi doono cid kasta oo qayb ka noqota waxa uu ku tilmaamay shabakadda dhaqaale ee Iran.

Ololahan cusub oo loogu magac daray “Operation Economic Outcast” ayaa Bessent ku tilmaamay “Economic D-Day”, isaga oo barbar dhigay weerarkii xulafadu ka bilaabeen xeebaha Faransiiska xilligii Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in cunaqabateynaha cusub ay diiradda saari doonaan shan ka mid ah ilaha ugu muhiimsan ee dhaqaale ee Iran: hantida dhijitaalka ah, teknoolojiyadda, dahabka, duulista iyo maraakiibta.

Bessent ayaa sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu la xiriirayo hoggaamiyeyaasha dalalka caalamka, isagoo ka codsanaya inay joojiyaan xiriirka dhaqaale ee ay la leeyihiin Tehran.

“Cid kasta oo la safata Mareykanka waxay ka faa’iideysan doontaa iskaashigeenna, halka kuwa ku xirma nidaamka Iran ay filan karaan inay qayb ka noqdaan go’doominta,” ayuu yiri Bessent.

Mareykanku wuxuu sheegay in “qof iyo hay’ad toona aysan ka baxsanayn awoodda cunaqabateyntiisa”, taasoo muujinaysa in xitaa shirkadaha iyo dowladaha Iran la macaamila ay wajihi karaan tallaabooyin ciqaabeed oo dheeraad ah.