Trump Oo Hal Shardi ku xiray Dhaqangalinta Heshiiskii Niyukleerka ee Sacuudiga.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweyne Trump ayaa ansixinta heshiiska nukliyeerka ee Mareykanku la galay Sacuudiga ku xiray in Sacuudigu xiriir diblomaasiyadeed la sameeyo Israa’iil oo uu ku biiro heshiisyada Abraham, ka dib qoraal uu baahiyay waxyar ka hor.

Waxaa kaloo uu sheegay heshiiskan inuu noqon doono mid ku kooban tamar oo aan loo oggolaan doonin Sacuudigu inuu yeesho hub nukliyeer ah.

Wasaaradaha Tamarta ee Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa mar horaba qallinka ku duugay heshiiskan oo si deg deg ah saameyntiisa looga dareemay gudaha Mareykanka iyo Bariga Dhexe , iyadoo kuwa ka soo horjeeda heshiiskan ay sheegayaan inaysan jirin qodob xaddidaya Sacuudigu in warshadaha nukliyeerka ee Mareykanku u dhisayo inuu u adeegsan karo kuwa lagu hodmiyo uranium-ka oo suragal ka dhigi kara bambooyin nukliyeer ah Sacuudiga inuu helo, balse qodobkan Trump ayaa hadda sheegay inuu noqonayo mid la xaddidayo.

Shuruuda kale ee heshiiskan uu hadda Trump ku xiray ayaa ka dhigaysa mid adag ,iyadoo dhankiisa Sacuudigu marar badan ku xiray xiriir diblomaasiyadeed oo Israa’iil uu la yeelanayo inay ku xirantahay marka hore Israa’iil inay aqoonsato dawlad madax bannaan oo Falastiiniyiintu yeelanayaan, mase cadda hadda arrintan waxa iska beddeli kara.