Weriyayaasha ilaalada kacaanka u qaabilsan warbaahinta Iraan ayaa gaar u calaamadiyey bogcadda ay Somaliland kaga taalo qariidada dalka Somalia. Waxayna ku tilmaameen meelaha cusub ee sahnananooniyaddu ka soo halgaadayso jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iraan.
Soo bandhista khariirada gobolada waqooyi ee Somaliland, ayaa ka dhigan dhiilo colaadeed iyo calaamadeysi ay si toosa farta ugu fiiqayaan khubarada dhanka khariireynta bartilmaameedyadda cadowga ay u arkaan ciidanka awooda badan ee IRGC.
Arintan ayaa imaanaysa iyadoo dhawaan la shaaciyey in magaalada Berbera ay ka socdaan dhaq dhaqaaqyo saldhig ay Sahnananooniyadu ka amaamuday ka dib markii Imaraadku sanadihii u dambeeyey uu u ceelalyeynayey.

