Laba carruur ah oo da’doodu kala tahay 3 iyo 5 sano jir ayaa ku geeriyooday toogasho ka dhacday magaalada Savage ee gobolka Minnesota, dalka Mareykanka, iyadoo boolisku ay xireen hooyadood oo 33 jir ah, taas oo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeysay dilka carruurteeda.
Dhacdadan ayaa subaxnimadii Arbacada, ka dhacday guri ku yaalla dhismaha dabaqyada ah ee Country View Apartments, xaafadda 4000 block ee waddada 126th Street.
Sida uu sheegay taliyaha booliska magaalada Savage, Brady Juell, hay’adaha gurmadka degdegga ah ayaa goobta gaaray abaare 6:27 subaxnimo, kaddib markii haweeney wacday lambarka 911, una sheegtay in ay toogatay labadeeda carruur ah.
Saraakiisha booliska iyo shaqaalaha caafimaadka ayaa carruurta u sameeyay gurmad degdeg ah, hase yeeshee dadaalladaas ayaa lagu guuldarreystay. Mid ka mid ah carruurta ayaa ku geeriyooday goobta, halka kan kalena loola cararay isbitaalka Hennepin County Medical Center, balse markii dambe uu halkaas ku geeriyooday.
Booliska ayaa hooyada carruurta ku xiray goobta dhacdada, waxaana baaritaanka kiiskan ka qayb qaadanaya hay’adda dambi-baarista ee gobolka Minnesota (Minnesota Bureau of Criminal Apprehension).
Warbixinnada laga helayo Mareykanka ayaa haweeneyda ku tuhunsan kiiskan ku magacaabay Xaawo Abdikarin Duale, oo 33 jir ah. Diiwaanka xabsiga Scott County ayaa muujinaya in lagu hayo tuhun la xiriira laba dacwadood oo dil ah oo heerka labaad ah, inkasta oo eedeymaha rasmiga ah iyo natiijada dacwaddu ay tahay in laga sooco tuhunnada booliska.
Dhanka kale, warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in aan weli si rasmi ah loo shaacin sababta keentay dhacdadan, iyadoo baaritaannadu ay socdaan. Sidoo kale, boolisku waxay caddeeyeen inaanay jirin khatar amni oo hadda ku wajahan dadka kale ee deegaanka.
Taliyaha booliska Savage, Brady Juell, ayaa dhacdadan ku tilmaamay musiibo aad u murugo badan oo saamayn weyn ku yeelatay qoyska iyo bulshada deegaanka, isaga oo codsaday in la ixtiraamo xaaladda qoyska iyo dadka ay dhibaatadu saamaysay.
Dhacdadan ayaa murugo iyo naxdin ku abuurtay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota, iyadoo indhaha lagu hayo natiijada baaritaanka iyo faahfaahinta dheeraadka ah ee ay hay’adaha Mareykanku soo bandhigi doonaan.
