Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, oo ka mid ah siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada Soomaaliyeed ee muddada dheer ka hadlay arrimaha Somaliland iyo Geeska Afrika, ayaa dhaliilay safarkii Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu dhowaan ku tegay dalka Maraykanka.
Prof. Samatar oo waraysi bixiyay isagoo ku sugan Maraykanka ayaa sheegay in marka la qiimeeyo natiijada safarkaasi uu aaminsan yahay inuu Somaliland u horseeday khasaare, isaga oo arrintaasi ku cabbiray waxa uu sheegay in laga filayay socdaalka Madaxweynaha.
“Anigu markaan isku soo duubo, waxaan qabaa in safarkaasi khasaare ku dhacay,” ayuu yidhi Prof. Axmed Ismaaciil Samatar.
Madaxweyne Cirro ayaa bishii September safar ku tegay Washington, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay xubno ka tirsan Koongarees-ka Maraykanka iyo dhinacyo kale, isaga oo diiradda saaray xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka, amniga, ganacsiga, maalgashiga iyo dadaallada aqoonsi raadinta.
Madaxweynaha Somaliland ayaa isaguna sheegay in hawlihii uu u tegay Maraykanka ay wax badan uga qabsoomeen, isagoo xusay in aqoonsiga iyo maalgashigu ay ka mid ahaayeen qodobadii mudnaanta la siiyay intii uu safarka ku jiray.
Dhinaca kale, Prof. Samatar ayaa si gaar ah u dhaliilay go’aanka Somaliland ay safaarad uga furtay magaalada Quddus, kaddib markii ay xidhiidh diblomaasiyadeed oo buuxa la yeelatay Israa’iil. Waxa uu tallaabadaas ku tilmaamay ilduuf iyo aqoon iyo faham la’aan siyaasadeed, isaga oo sheegay in xukuumaddu ay ahayd inay si ka fiirsasho badan uga shaqayso arrimaha diblomaasiyadda iyo danaha Somaliland.
Somaliland ayaa bishii June 2026 safaarad ka furtay Quddus, xilli Madaxweyne Cirro uu booqasho rasmi ah ku tegay Israa’iil. Dowladda Israa’iil ayaa xilligaas sheegtay in safaaradda Somaliland ay noqotay safaaraddii siddeedaad ee uu dal ku yeesho Quddus.
Madaxweyne Cirro ayaa hore u difaacay go’aanka safaaradda Quddus, isaga oo sheegay in xukuumaddiisu ay ka shaqaynayso danaha Somaliland, isla markaana Israa’iil ay tahay waddankii aqoonsaday Somaliland.
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sidoo kale hore usoo noqday guddoomiyaha ururkii siyaasadeed ee Hilaac ee ku guuldaraystay Doorashooyinkii Somaliland, waxaana muddo dheer lagu yaqaanay ka qaybqaadashada doodaha siyaasadeed iyo kuwa aqooneed ee la xidhiidha mustaqbalka Somaliland iyo Soomaaliya.
