Saturday, September 19, 2026

Turkiga Oo Sheegay In Ciidamada Somaliya ka Qayb galeen Dhoolatus Milatari Oo ka Dhacay Zincidere iyo Buurta Erciyes.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa goordhowayd sheegtay in ciidamo Soomaaliyeed oo tababar ku qaadanaya Turkiga ay ka qayb galeen tababarro milatari oo ka dhacay deegaanka Zincidere iyo buurta Erciyes.

Ciidamada Soomaaliyeed oo ay weheliyaan kumaandooska Turkiga ayaa sameeyay dhaqaaq xeeladaysan, iyagoo tababarro ku qaatay cashiro ku saabsan gaadmada iyo ka hortaggeeda, baarista godadka iyo goobaha gabaadka ah, iyo adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Koox ka tirsan kumaandooska ayaa sidoo kale gaartay halka ugu sarreysa ee buurta Erciyes, si ay u sameeyaan sahamin waddo.

Ciidankaan tababarka la samaynaya Kuwa turkiga ma ahan guutooyinka Gorgor ee waa cutubka Specialka ee hoostaga Gorgor kuwaas loo diyaarinayo dhowr guuto oo cusub.