Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka,Sergey Lavrov ayaa hadal uu maanta sii daayay telefishinka Ruushka ee RT , wuxuu sheegay inay Iiraan u muuqato ugu dambeyn inay ku biiri karto heshiiska difaaca wadajirka ah ee Pakistan,Turkiga iyo Sacuudiga.
Wuxuu yiri;“Iiraan waxay mustaqbalka ku biiri kartaa Isbahaysiga Difaaca Maka, sidoo kale haddii Masar iyo Aljeeriya ay ku biiraan taasi waxay noqon lahayd tallaabo wax-ku-ool ah oo aad u wanaagsan oo lagu hirgelinayo fikraddii Ruushka ee aan markii hore soo jeedinay.”
Fikradda Ruushka ee Lavrov tixraacayo waa qorshe Ruushku muddo dheer waday oo ku saabsan in amniga Gacanka Faaris iyo Bariga Dhexe lagu dhiso hannaan ay dalalka gobolka laf ahaantoodu maamulaan, halkii amniga intiisa badan lagu tiirsanaan lahaa Maraykanka ama quwado shisheeye.
Ruushku wuxuu fikraddan si rasmi ah u soo bandhigay tan iyo 2019, waxaana 2026 dib loo cusboonaysiiyay oo loo gudbiyay Iiraan iyo dalalka Carabta ee Khaliijka.
