Magaalada Shenzhen ee dalka Shiinaha waxaa Khamiistii kulan aan caadi ahayn ku yeeshay saddexda hoggaamiye ee dalalka ugu awoodda badan dunida, Donald Trump, Vladimir Putin iyo Xi Jinping. Kulankani wuxuu dhacay intii uu socday shirka APEC, waxaana diiradda lagu saaray amniga caalamka, hubka nukliyeerka, tamarta iyo dagaallada dunida ka socda.
Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa shir-guddoominayay kulanka, kaas oo ay ka horreeyeen wada-hadallo gaar-gaar ah oo dhexmaray saddexda hoggaamiye. Markii ay in ka badan saacad wada hadleen, waxay soo saareen warsaxaafadeed ay ugu magac dareen Baaqa Nabadda.
Trump wuxuu sheegay in saddexda dal ay yihiin quwadaha ugu waaweyn dunida, isla markaana ay haystaan kaydka hubka nukliyeerka ee ugu badan. Wuxuu kulanka ku tilmaamay mid taariikh samaynaya, isagoo sheegay in nabad aan lagu gaari karin in laga fogaado wada-hadal.
Xi Jinping ayaa ku baaqay in saddexda dal ay ka gudbaan fikirkii Dagaalkii Qaboobaa, isla markaana ay iskaashi yeeshaan. Putin ayaa isaguna sheegay in wada-shaqaynta saddexdan quwadood ay xoojin karto xasilloonida dunida.
𝗧𝗮𝗺𝗮𝗿𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗱𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗱𝘂𝗻𝗶𝗱𝗮
Mid ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee bayaanka ayaa ahaa in la ilaaliyo socodka shidaalka iyo tamarta adduunka. Arrintan waxay muhiimad gaar ah yeelatay kadib dagaalka Maraykanka iyo Iiraan, kaas oo sababay in Iiraan ay xirto marin-biyoodka Hormuz, halkaas oo markii hore mari jiray shan meelood meel shidaalka dunida.
Weerarrada Ukraine ay ku qaaday xarumaha tamarta ee Ruushka ayaa iyaguna sii kordhiyay walaaca laga qabo shidaalka iyo tamarta caalamka.
Hase yeeshee, inkasta oo saddexda madaxweyne ay ku heshiiyeen muhiimadda ay leedahay in tamartu si joogto ah u socoto, haddana ma cadda sida ay arrintaas u fulin doonaan, maadaama dalalkoodu ay leeyihiin dano kala duwan.
Waxaa sidoo kale xusid mudan in kulanka aan si gaar ah looga hadlin dagaalka Iiraan. Trump ayaa keliya ku celiyay in Iiraan aan loo oggolaan karin inay yeelato hub nukliyeer ah. Iiraanse waxay ku adkaysanaysaa in barnaamijkeeda nukliyeerku yahay mid nabadeed.
Dagaalka Ukraine isaguna ma ahayn qodobka ugu weyn ee kulanka saddexda madaxweyne, sida uu sheegay afhayeenka Kremlin-ka. Hase yeeshee, wuxuu qayb muhiim ah ka ahaa wada-hadalkii gaarka ahaa ee Putin iyo Trump. Trump ayaa sidoo kale Xi ka codsaday inuu gacan ka geysto sidii xal loogu heli lahaa dagaalkaas.
𝗛𝘂𝗯𝗸𝗮 𝗻𝘂𝗸𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗿𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗮𝗺𝗻𝗶𝗴𝗮 𝗱𝘂𝗻𝗶𝗱𝗮
Saddexda hoggaamiye waxay sidoo kale isku raaceen in laga wada hadlo sidii loo yarayn lahaa khatarta hubka nukliyeerka loogana hortagi lahaa inuu ku faafo dalal kale.
Xi Jinping ayaa sheegay in hubka nukliyeerka la mamnuuco lana burburiyo, isagoo xusay in dagaal nukliyeer aan lagu guuleysan karin, sidaas darteedna ay tahay in laga hortago.
Trump ayaa sheegay in saddexda dal ay leeyihiin awood gaar ah oo ay arrintan uga wada hadli karaan, maadaama ay haystaan hubka nukliyeerka ee ugu badan dunida.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Xi uu ku raacay in marin-biyoodka Hormuz furnaado, isla markaana Iiraan aan loo oggolaan inay hesho hub nukliyeer ah.
𝗠𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮𝘆 𝘀𝗮𝗺𝗲𝘆𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮𝗻 𝗶𝘀𝗯𝗮𝗵𝗮𝘆𝘀𝗶 𝗰𝘂𝘀𝘂𝗯?
Kulanka ayaa dhacay xilli dalalka Yurub ay iyaguna magaalada Berlin ku shirayeen, iyagoo ka wada hadlaya taageerada ay siinayaan Ukraine. Taasi waxay muujinaysaa in dunidu ay wajahdo loollan siyaasadeed oo u dhexeeya quwado waaweyn, kuwaas oo mid walba doonayo inuu saameyn ku yeesho jihada arrimaha caalamka.
Su’aasha hadda taagan ayaa ah in kulanka Shenzhen uu noqon doono bilowga iskaashi joogto ah oo u dhexeeya Maraykanka, Ruushka iyo Shiinaha, kaas oo dadka qaar ugu yeeraan G3.
Bisha soo socota, Trump wuxuu martigelin doonaa shirka G20 ee Miami, waxaana la filayaa inuu ka qaybgalo Xi Jinping.
Putin ayaa sidoo kale lagu casuumay, inkasta oo uu ka maqnaa shirarkii dhowaan dhacay, sababo la xiriira waarankii ay ICC ka soo saartay ee la xiriiray dagaalka Ukraine iyo diidmada dalal Yurub ah inay la fariistaan.
Trump ayaa sheegay in Maraykanku aanu xubin ka ahayn ICC, sidaas darteedna aanu ku waajib ahayn inuu fuliyo waaranka maxkamadda ee ka dhanka ah Putin.
Putin ayaa kulanka Shenzhen kadib sheegay in wada-hadalku ahaa mid furan oo daacad ah, isla markaana uu ka caawiyay hoggaamiyeyaasha inay si wanaagsan isu fahmaan.
𝗦𝗮𝗱𝗱𝗲𝘅𝗱𝗮 𝗱𝗮𝗹 𝗼𝗼 𝗶𝘀𝗸𝘂 𝗺𝗼𝘄𝗾𝗶𝗳 𝗸𝗮 𝗻𝗼𝗾𝗱𝗮𝘆 𝗜𝗖𝗖
Qodobka kale ee indhaha soo jiitay ayaa ahaa dhaliisha ay saddexda madaxweyne u jeediyeen Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC). Waxay ku baaqeen in maxkamadda iyo hay’adaha la midka ah aanay si khaldan u adeegsan awoodahooda.
Arrintan waxay leedahay muhiimad siyaasadeed, maadaama saddexda dal midkoodna aanu xubin ka ahayn maxkamadda, mid walbana uu khilaaf kala dhexeeyo.
Maraykanka ayaa muddo dheer ka soo horjeeday ICC, gaar ahaan kadib markii maxkamaddu baaritaanno ku samaysay eedeymo la xiriira falalka askarta Maraykanka ee Afghanistan, iyo markii ay waaran soo qabasho u jartay Netanyahu. Washington waxay cunaqabateyn saartay maxkamadda iyo qaar ka mid ah saraakiisheeda.
Ruushka ayaa isaguna si weyn uga horyimid maxkamadda kadib markii ay waaran soo qabasho u jartay Putin, taas oo la xiriirtay dagaalka Ukraine.
Shiinaha ayaa hore u muujin jiray mowqif aan si xooggan uga hor imaanayn maxkamadda, balse wuxuu dhaliisha sii kordhiyay kadib waarannada loo jeediyay hoggaamiyeyaasha dalal kale, oo uu ku jiro madaxweynihii hore ee Philippines Rodrigo Duterte. Shiinaha waxaa sidoo kale loo gudbiyay eedeymo ku saabsan xasuuq ka dhan ah bulshada Uighur ee gobolka Xinjiang, eedeymahaas oo Beijing ay beenisay.
𝗠𝗮𝘅𝗮𝗮 𝗹𝗮𝗴𝗮 𝗳𝗮𝗵𝗺𝗶 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗮𝗻𝗸𝗮𝗻?
Kulanka Shenzhen wuxuu muujinayaa in saddexda quwadood ay doonayaan inay si toos ah uga wada hadlaan arrimaha ugu waaweyn ee amniga iyo dhaqaalaha dunida, halkii ay ku ekaan lahaayeen is-mariwaaga iyo cadaadiska siyaasadeed.
Laakiin warsaxaafadeedka nabadda iyo hadallada hoggaamiyeyaashu weli ma caddaynayaan in khilaafaadka waaweyn ee u dhexeeya dalalkan la xalliyey. Dagaallada Iiraan iyo Ukraine weli xal ma helin, danaha saddexda dalna isku mid ma aha.
Sidaas darteed, waxa ugu muhiimsan ee la sugayaa ma aha oo keliya waxa ay saddexdan madaxweyne ku heshiiyeen, balse waa tallaabooyinka ay qaadaan marka ay ka soo laabtaan kulanka. Shirka G20 ee Miami ee bisha soo socota ayaa noqon kara fursad kale oo lagu ogaan karo in kulanka Shenzhen uu ahaa kulan diblomaasiyadeed oo keliya, mise uu bilow u yahay iskaashi cusub oo saameyn ku yeesha nidaamka siyaasadeed ee dunida


