Sunday, September 6, 2026

Somaliland oo sheegtay in Dadaalada Aqoonsi Raadintu ay usoo Jiideen Cadow badan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland, Barkhad Jaamac Batuun, ayaa ka hadlay safarka Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro uu ku tagay dalka Maraykanka, isaga oo sheegay in safarku ku qotomo xoojinta xidhiidhada diblomaasiyadeed, ganacsi iyo amni.

Barkhad Jaamac Batuun ayaa sheegay in muddadii uu Madaxweyne Cirro xilka hayay uu xoogga saaray sidii loo xaqiijin lahaa rajada shacabka Somaliland ee ku aaddan helitaanka aqoonsi caalami ah.

“Intii uu madaxweynuhu xafiiska joogay waxa uu dedaal u galay rumaynta rajada shacabka oo ah aqoonsi,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

Wasiirka ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay feejignaan, isaga oo sheegay in marka ay bataan dedaallada Somaliland ay sidoo kale kordhaan caqabadaha iyo waxa uu ku tilmaamay dibindaabyo lala damacsan yahay Somaliland.

“Markasta oo dedaalladeennu laba jibbaarmaan, waxa badanaya dibindaabyada la innala damacsanyahay, waxa shacabka laga rabaa feejignaan,” ayuu yidhi Barkhad Jaamac Batuun.

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta ayaa bahda saxaafadda Somaliland ugu baaqay inay door muuqda ka qaataan tebinta iyo taageeridda safarka Madaxweynaha, isaga oo xusay kaalintii ay warbaahintu ka qaadatay safarkii hore ee Madaxweynaha ee Israa’iil.

“Bahda saxaafadda oo hubka Somaliland haysato ah, waxa aanu u soo jeedinaynaa in ay kaalintii safarkii Israa’iil ay ka qaateen oo kale ay ka qaataan,” ayuu yidhi.

Wasiirka ayaa ugu dambayn farriin u diray shacabka Somaliland ee gudaha iyo qurbaha, isaga oo ugu baaqay inay xoogga saaraan waxyaabaha mideeya iyo guulaha ay Somaliland gaadhay.

“Farriinta xukuumaddu waxa weeye, qurbajoog iyo qolqol joogba in aad muhiimad siisaan waxyaabaha ina midaynaya iyo guulaha kala dambeeya ee aynu gaadhayno,” ayuu yidhi Wasiir Batuun.