Thursday, November 19, 2026

Soomaaliya oo u Yeertay Safiirkii Imaaraadka Amartay-na inuu dalka ka Baxo.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay safiirkeedii u fadhiyay magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, iyadoo sidoo kale safiirka Imaaraadka u jooga Soomaaliya ku amartay inuu dalka ka baxo.

Tallaabadan ayaa muujinaysa sii xoogeysiga khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, kaas oo maalmihii u dambeeyay soo shaac baxay, kaddib markii labada dhinac ay is-weydaarsadeen hadallo iyo tallaabooyin siyaasadeed.

Go’aankan ayaa imanaya xilli uu sii kordhayo khilaafka labada dal ee la xiriira arrimaha gudaha Soomaaliya iyo xiriirkooda diblomaasiyadeed.