Thursday, November 19, 2026

Trump Oo ka Hadlay Khatar Wayn Ee Uu Wajahayo Maraykanka, iyo Baaqyada Dadka loo Jeedinayo.

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Trump ayaa ka hadlay wararka sheegaya in dalkaasi wajahayo khatar weerar weyn, iyo baaqyada dadka loogu sheegayo inay kaydsadaan cunto iyo biyo.

Trump ayaa yiri, “Is dejiya, wax walba waa hagaagsan yihiin. Korontadii dhowaan go’day waxay ahaayeen dhacdooyin kala duwan oo aan xiriir lahayn, mana ahayn weerar la soo qorsheeyey.”

“Haddii dawlad kale ay ka dambayso waxa dhacaya, si fiican ayay u garanaysaa waxa ka dhalan doona.Qofna kuma dhiirran karo inuu Maraykanka weeraro isaga oo aan la kulmin jawaab aad u culus.”

Trump ayaa laga weydiiyey eedeymaha sheegaya in Shiinuhu Iiraan siiyo xogta ka caawisa inay ogaato meelaha ay weerarayso.

Wuxuu yiri;“Waxay leeyihiin Shiinuhu xog ayuu siiyaa Iiraan. Annaguna sidaas oo kale ayaan samaynaa. Tusaale ahaan, waxaan Ukraine siinnaa xog sirdoon, isla markaana waan basaasnaa.”

Trump oo hadaladan ka sheegay waraysi uu siiyay Fox news , waxaa kaloo uu ka hadlay warbixin sirdoon oo Maraykanku leeyahay, taas oo sheegaysa in Iiraan laga yaabo inay qorshaynayso inay Washington ku weerarto bam wasakhaysan (Dirty Bomb).

Trump ayaa sheegay in haddii Iiraan tallaabadaas qaaddo, Maraykanku gebi ahaanba baabi’in doono.

Trump ayaa sidoo kale ka hadlay heshiis is-afgarad ah oo Iiraan lala saxiixday 17-kii Juun. Wuxuu ku tilmaamay heshiiskaas mid aan Maraykanka dan u ahayn, sababtoo ah laguma darin arrinta barnaamijka nukliyeerka Iiraan.

Wuxuu sheegay in wada-hadallada Iiraan ay yihiin waqti lumis, isla markaana aanu marnaba oggolaan doonin in culimada Shiicadu ay helaan hub nukliyeer ah.

Trump ayaa intaas ku daray in haddii dib loogu celiyo waqtigii uu go’aanka dagaalka qaatay, uu mar kale dooran lahaa in Iiraan lala dagaallamo.

Trump oo ka hadlay taageerada Ruushka iyo Shiinaha ay siiyaan Iiraan.

Trump ayaa sheegay in taageerada Ruushka iyo Shiinaha ay siiyaan Iiraan ay tahay mid yar oo aan sidaas u weynayn.

Wuxuu tusaale u soo qaatay in Maraykanku isaguna Ukraine siiyo xog sirdoon, isla markaana uu basaaso.

Trump ayaa sidoo kale laga weydiiyey sababta madaxweynayaasha Ruushka iyo Shiinuhu ay isku mar u kulmayaan.

Wuxuu sheegay inuu akhriyey in danta Maraykanku ay tahay in laga hortago in Ruushka iyo Shiinuhu midoobaan oo ay awooddooda isku darsadaan.

Trump ayaa maamulkii hore ee Barack Obama ku eedeeyey inuu labada dal ku dhiirrigeliyey inay isu soo dhowaadaan. Wuxuu sheegay inay muhiim tahay in Ruushka iyo Shiinaha aanay aad isugu dhowaan.

Hadalka Trump wuxuu muujinayaa inuu doonayo in Maraykanku xiriir wanaagsan la yeesho Ruushka, si looga hortago in Moscow iyo Beijing ay si dhow isaga kaashadaan.