Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan, oo safar shaqo ku jooga dalka Itoobiya, ayaa ka qaybgalay munaasibadda qallin-jebinta saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka oo waxbarasho ku dhammaystay Kulliyadda Abaanduulka iyo Saraakiisha Sare ee Ciidamada Difaaca Itoobiya (Ethiopian Defence Command and Staff College).
Saraakiishan ayaa waxbarashada la qaadanayey saraakiil ka socday dalka Itoobiya iyo dalal kale oo Afrikaan ah.
Taliyaha ayaa hambalyeeyey saraakiisha qallin-jebisay, isaga oo ku dhiirri geliyey inay aqoonta ay korodhsadeen uga faa’iideeyaan Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu uga mahadceliyey Dawladda Itoobiya iskaashiga, dhinacayada waxbarashada iyo tababarka ciidamada.







