Wednesday, October 28, 2026

Turkiga oo laba Markab Dagaal u soo diraya Somaliya oo sida agab Milatari

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegtay in laba markab dagaal oo ka tirsan ciidamadeeda badda ay 30-ka Oktoobar u ambabixi doonaan Soomaaliya, iyaga oo sida sahay iyo qalab milatari.

Maraakiibta la qorsheeyay inay Soomaaliya yimaadaan ayaa kala ah TCG Gökçeada iyo TCG Yıldırım, sida lagu sheegay warbixin ay wasaaraddu soo saartay.

Wasaaraddu ma aysan faahfaahin cidda loogu talagalay sahayda iyo qalabka milatari ee maraakiibtu sidaan, mana cadda in loogu talagalay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo in ciidamada Turkiga ee ku sugan Soomaaliya.

Dhanka kale, Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegtay in Taliyaha Ciidanka Dhulka Turkiga uu 24-kii Oktoobar qaabilay dhiggiisa Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Kulanka ayaa lagu adkeeyay sii wadidda iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca, tababarka iyo amniga, si loo xoojiyo awoodda ciidamada Soomaaliya, loogana qayb qaato xasilloonida gobolka.

Turkiga ayaa Soomaaliya kala shaqeeya tababarka iyo tayeynta ciidamada, iyadoo labada dal ay leeyihiin iskaashi dhinacyada milatariga iyo difaaca ah.