Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ka digtay in Uganda ay wajahdo qalalaase siyaasadeed oo ka dhasha cidda beddeli doonta Madaxweyne Yoweri Museveni oo dalka xukumayay tan iyo 1986, muddo ku dhow 40 sano.
Iyadoo doorashada xigta la filayo 2031, waxaa gudaha xisbiga talada haya ee NRM ka bilowday loollan ku saabsan cidda dhaxli doonta hoggaanka dalka. Wiilka madaxweynaha, Muhoozi Kainerugaba oo ah sarkaalka ugu sarreeya ciidanka Uganda, ayaa doonaya inuu aabbihii beddelo, balse qorshihiisa waxaa ka horyimid qaar ka mid ah xubnaha sare ee xisbiga. Gudaha xisbiga iyo xataa qoyska Museveni, waxaa loo arkaa Muhoozi, mid aan kursiga madaxweynaha ku habboonayn oo aan qaadi karin mas’uuliyada , sidoo kalena hab dhaqankiisa ay dhalin karto xisbiga talada haya inuu awoodda lumiyo.
Warbixintu waxay sheegaysaa in Museveni ay ku adag tahay inuu si cad u taageero wiilkiisa, maadaama uu ka cabsi qabo in arrinta dhaxal-sugistu ay khilaaf iyo kacdoon ka dhex dhaliso xisbigiisa ka hor doorashada.
