5
Xulka kubada cagta Soomaaliya ayaa guuldarro 2-0 ah kala kulmay xulka Ghana, kulan ka tirsanaa is-reebreebka Koobka Qaramada Afrika ee 2027.
Soomaaliya ayaa hadda ku jirta kaalinta afraad ee ugu dambaysa Group C, iyada oo aan wax dhibic ah helin saddex kulan oo ay ciyaartay. Xulka Soomaaliya ayaa dhaliyey hal gool, waxaana laga dhaliyey lix gool.
Guuldarradan ayaa sii adkaysay rejada Soomaaliya ee u soo bixitaanka Koobka Qaramada Afrika ee 2027.
