Warbaahinta Israa||L ayaa baahisay sawirka Madaxweyne Cirro oo ka Qaybgalaya Shirka MEAD ee ka Socda Washington.
MEAD waa shir heer sare ah oo martiqaad gaar ah lagu galo, kulmiyana siyaasiyiin, diblomaasiyiin, madax ganacsi iyo khubaro saameyn ku leh siyaasadaha Maraykanka iyo Bariga Dhexe.
Shirka sannadkan waxaa ka qaybgalaya wakiillo ka socda 24 dal, waxaana lagaga hadlayaa amniga, sirdoonka, tiknoolajiyadda, ganacsiga, tamarta iyo siyaasadda gobolka.
Ka soo muuqashada Madaxweyne Cirro ee madashan awoodda leh waxay Somaliland u noqon kartaa fursad ay qaddiyaddeeda ku hor dhigto shaqsiyaad saamayn ku leh siyaasadda Washington iyo Bariga Dhexe.
– Jerusalem Post
