Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka ayaa ku eedeeyay Ukraine inay hurinayso qalalaase ka jira suuqyada tamarta caalamka, kaddib oo sababay dab weyn oo ka kacay warshad sifaysa saliidda oo ku taalla Ruushka.
Weerarradan ayaa sababay waxyeello weyn oo deegaanka ah, iyadoo qiiq madow oo ccirk aisku shareeray laga arkay goobta, waxayna dawlada Ukraine ay sheegtay inay beegsanayso xarumaha tamarta maadaama ay taageeraan sii socoshada gumeysiga Ruushka.
Warbaahinta dowladda Ruushka ayaa sheegtay in Madaxweyne Vladimir Putin uu amray wasiirka adeegyada degdegga ah inuu booqdo goobta si uu ula socdo xaaladda.
Sikastaba ha noqotee weerarkan ayaa noqonaya markii saddexaad ee Ukraine weerarro drone ah ku qaaddo xarunta dekedda Tuva bishan gudaheeda.
Wasiirka Arrimaha Qurbojoogta ISRAELL, Amichai Chikli ayaa ku eedeeyay Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Joe Biden intii uu xafiiska joogay inuu ISRL u diiday in loo diro bambooyinka wax bur-buriya ee diyaaradaha ISRL ku dagaalamaan.
Chikli wuxuu yidhi “Arrinta oo dhan waxay isbadashay markii uu xukunka yimid Trump, waxaan aad ugu mahadcelinaynaa geesinimada Trump iyo kooxdiisa.”
