15
Wasiirka Waxbarashada Itoobiya, Birhanu Nega ayaa bil kahor kooxda Arsenal ku sifeeyay koox dadka taageerayaasheeda ah dhiiga ku kicisa (dhiig-kar ku ridda.)
Birhanu Nega, wuxuu xiligaas sheegay in isaga iyo wiilkiisu ay taageere wayn u yihiin kooxda Arsenal, iyadoo xiliga Arsenal dhibco badan ku hogaamineysay horyaalka hadana Birhanu Nega wuxuu sheegay inuu issagu aamisaneyn in Arsenal ay sanadkan koobka qaadayso, sababtuna ay tahay in Arsenal ay sannad walba taageerayasha rajo geliso, keddibna rajadaasi xagga dambe ka bur-burto.
