Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland Mudane Cabdalle Maxamed Carab, ayaa Golaha la wadaagay xaaladda guud ee amniga dalka, isaga oo sheegay in guud ahaan dalka ay ka jirto xasillooni iyo amni sugan.
Wasiirku waxa uu sheegay in shaqaaqooyinkii dhawaan ka dhacay deegaanno ka mid ah Gobollada Awdal iyo Selel ay haatan soo afjarmayaan, isla markaana deegaannadaasi ay ka jirto nabad iyo xasillooni. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu faahfaahiyey dedaallada ay Xukuumaddu hormuudka ka tahay ee lagu xoojinayo nabadda, wada-noolaanshaha, dib-u-heshiisiinta iyo is-afgaradka bulshada ku dhaqan deegaannadaasi.
Wasiirku waxa uu si adag u adkeeyey in deegaannadii ay shaqaaqooyinku ka dhaceen aan gebi ahaanba loo oggolayn qof shacab ah ama koox ah oo aan ka tirsanayn Hay’adaha Amniga in ay sidato hub, nooc kasta oo uu yahayba.
Waxa kale oo uu xusay in Ciidamada Amnigu amar ku qabaan in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan cid kasta oo arrintaas ku xad-gudubta, isla markaana ay hubka kala wareegaan.
