Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka, Cabdiweli Ibraahim Garyare, oo maanta ay Golaha Wakiillada Galmudug ku doorteen magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweynaha ayaa hoggaanka cusub kula dardaarmay in ay mudnaanta siiyaan amniga, xal u helidda colaadaha sokeeye, xoojinta midnimada bulshada iyo horumarinta adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Xasan Sheekh ayaa doorashada ku tilmaamay mid taariikhi ah, isaga oo xusay doorka shacabka Galmudug ku leeyihiin geeddi-socodka dimuqraadiyeynta iyo dhismaha dowladnimada. Waxa uu sidoo kale Alle uga baryay hoggaanka cusub in uu ku garab galo gudashada waajibaadka loo igmaday.
