Kuuriyada Koonfureed ayaa Kuuriyada Waqooyi ku eedeysay inay sii kordhinayso ku xadgudubka dhulkeeda, iyadoo sheegtay in maalmahan dambe ay jireen marar badan oo ciidamo Waqooyigu ay ka tallaabeen xadka ku yaalla Aagga Milatari ahaan loo kala soocay labada dal (DMZ).
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Kuuriyada Koonfureed, ciidamada Kuuriyada Waqooyi ayaa sanadkan ku dhowaad 50 jeer ka tallaabay xadka, iyagoo sidoo kale isku dayaya inay halkaas ka dhisaan xayndaabyo.
Dhanka kale, hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa la sheegay inuu ka digay in haddii ciidamada Kuuriyada Koonfureed ay ku xadgudbaan xadka dalkiisa, xitaa masaafo dhan 0.01 millimitir, ay taasi si toos ah u horseedi doonto adeegsiga hubka nukliyeerka.
Xiisaddan sii kordhaysa ayaa walaac ka abuureysa xadka labada dal, kaas oo ka mid ah meelaha ugu militariga badan dunida.
