Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerarkii xalay lagu qaaday hoteel uu ku sugnaa madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, iyadoo la sheegay in ninkii weerarka geystay uu horay ugu sheegay xubno ka tirsan qoyskiisa inuu damacsanaa inuu qaado “tallaabo weyn” oo uu ku sheegay mid uu ku xallinayo dhibaatooyinka ka taagan caalamka.
Warbaahinta Fox News ayaa baahisay in eedeysanaha uu maalmo ka hor weerarka la xiriiray qaar kamid ah ehelkiisa, islamarkaana uu u sheegay inuu bartilmaameedsan doono xubno ka tirsan maamulka Trump. Qoyska ninkaasi ayaa la sheegay inay arrintaasi u arkeen hadal aan dhab ahayn ama mid ka dhashay xaalad nafsi ah, balse hadalladiisa ayaa markii dambe isu beddelay fal weerar ah.
Sida wararku sheegayaan, ninka weerarka qaaday ayaa gudaha u galay ama isku dayay inuu u dhowaado hoteelka uu Trump ku sugnaa xilliga weerarka dhacay, taas oo keentay in ciidamada ammaanka si deg deg ah uga falceliyaan. Ilaalada gaarka ah ee United States Secret Service iyo ciidamada booliska deegaanka ayaa la sheegay inay si dhaqso leh u xakameeyeen xaaladda kahor inta aysan gaarin heer aad u halis badan.
Ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin nooca hubka uu watay ninkaasi iyo sida saxda ah ee uu weerarka u qorsheeyay, balse hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa wada baaritaanno ballaaran oo lagu ogaanayo haddii uu kaligiis falka sameeyay iyo haddii ay jireen dad kale oo ku lug lahaa.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Trump ayaan weli si faahfaahsan uga hadlin dhacdada, hase yeeshee dhacdadan ayaa mar kale sare u qaaday walaaca laga qabo amniga siyaasiyiinta Mareykanka, gaar ahaan xilli dalkaasi uu wajahayo xiisado siyaasadeed iyo hanjabaado isa soo taraya oo ka dhan ah madaxda sare.
Cole Tomas Allen, oo 31 jir ah degganaa magaalada Torrance, California oo ah magaalo xeebeed ku dhow Los Angeles ayaa loo xiray rasaastii xalay ka dhacday goobtii uu ku sugnaa Trump ee hoteelka Washington Hilton,iyadoo Booliiska caasimadda Mareykanka ee Washington DC, ay sheegeen in ninkan uu degganaa hoteelka ay ka socotay cashada uu ku sugnaa Trump ee deg deg looga saaray markii rasaasta ay dhacday, sidoo kale booliiska ayaa sheegay in ninkan lagu qabtay qori, bastoolad, iyo mindiyo badan oo uu sitay.

