Xuutiyiinta Oo Baahiyay Muuqaallada Weerarkii ay ku Qaadeen Sacuudiga iyo Dawladda uu Taageerro ee Yemen

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Telefishinka ay leeyihiin Xuutiyiinta ee Al-Masirah ayaa baahiyay muuqaallo muujinaya weerarkii ugu horreeyay ee maanta ay ku qaadeen Sacuudiga iyo dawladda uu taageerro ee Yemen garoonka diyaaradaha Sanca.

Weerarkan ayaa lagu sheegay in looga hortagayay diyaarad wafdigii Xuutiyiinta ee ka qaybgalay aaska hoggaamiyihii sare ee Iiraan ka soo qaaday Tehran inay ka degto Sanco, isla markaana isku dayaysay inay jebisay go’doominta Sacuudiga iyo xulafadiisa ay ku hayaan garoommada diyaaradaha ay maamulaan Xuutiyiint.

Weerarkan waxaa ka dhashay inay Xuutiyiinta maanta si rasmi ah ugu dhawaaqeen inay burburtay xabbad-joojintii ay kula jireen dawladda uu Sacuudigu taageerro ee Yemen oo jawaab militari ay bixin doonaan.

Maanta Xaaladda Yemen wey kacsan tahay markale, waxaana la joojiyay hadda dhaqdhaqaaqa garoomada ay maamulaan dowladda Sacuudiga uu taageero ee dalka Yemen.