Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa sheegay in wada-hadalladii la xiriiray Biyo-xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) ay gaareen meel aan wax horumar ah laga sameyn karin, isagoo xusay in Masar ay xaq buuxa u leedahay inay difaacato ammaankeeda biyaha haddii uu khatar galo.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Masar ay si cad uga soo horjeedo tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo Itoobiya ka qaaddo Webiga Nile ee Buluugga ah. Dhanka kale, wuxuu ku tilmaamay colaadda Suudaan mid aad u xanuun badan, isagoo sheegay in Masar ay sii waddo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo xabbad-joojin iyo xal siyaasadeed oo ilaaliya midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Suudaan.
Dhinaca kale Dowladaha Turkiga iyo Masar ayaa kala saxiixday heshiis hordhac ah oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinaca difaaca, kaddib kulan ay yeesheen Wasiirrada Difaaca ee labada dal.
Heshiiska ayaa la filayaa inuu sare u qaado wada-shaqeynta militari, is-weydaarsiga khibradaha iyo xiriirka difaaca ee u dhexeeya Ankara iyo Qaahira.

