Madaxwayne Ciro Oo Qaabilay Wafdi ka Socday Ingiriiska

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland kulan istaraatiiji ah kula yeeshay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska (UK), Mudane Charles King, oo booqasho rasmi ah ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland si loo sii xoojiyo iskaashiga iyo xidhiidhka labada dhinac. Safiirka waxa kulanka ku weheliyey Marwo Louise Hancock, oo ah Wakiilka Guud ee Xafiiska Boqortooyada Ingiriiska ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa Safiirka uga mahadnaqay xidhiidhka taariikhiga ah, isfahamka soo jireenka ah iyo iskaashiga dhow ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay taageerada ay Boqortooyada Ingiriisku siiso Somaliland, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo tayeynta hay’adaha amniga, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo xoojinta hannaanka dimuqraadiyadda. Madaxweynaha ayaa xusay in xidhiidhka istaraatiijiga ah ee labada dhinac uu ku dhisan yahay kalsooni taariikhi ah, is-qaddarin, iskaashi waara iyo dano wadaag ay labada dhinacba ka faa’iidaystaan.

Madaxweynuhu waxa uu Safiirka la wadaagay mudnaanta horumarineed ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo tilmaamay in labada dhinac ay sii xoojin karaan iskaashiga dhinacyada biyaha iyo la qabsiga isbeddelka cimilada, horumarinta tamarta, amniga, waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga, maalgashiga, dimuqraadiyadda iyo tayeynta hay’adaha dawladda.

Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay ka go’an tahay sii xoojinta xidhiidhka iyo wada-shaqaynta ay la leedahay Boqortooyada Ingiriiska, isaga oo xusay in UK ay tahay saaxiib istaraatiiji ah oo muddo dheer garab taagnaa Somaliland dhinacyada horumarinta, nabadgelyada iyo kobcinta hay’adaha dawliga ah.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa mar kale adkeeyey in geeddi-socodka aqoonsi-raadiska Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay mid aan laga noqon karin, maadaama uu ku salaysan yahay xaq sharci, sooyaal taariikheed iyo rabitaanka shacabka Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynaha ayaa Boqortooyada Ingiriiska ugu baaqay inay door wax-ku-ool ah ka qaadato arrinta aqoonsiga Somaliland.

Dhankiisa, Safiirka Boqortooyada Ingiriiska, Mudane Charles King, ayaa Madaxweynaha u sheegay in Dawladdiisu ay si weyn u qiimaynayso xidhiidhka taariikhiga ah iyo iskaashiga adag ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland.

Safiirku waxa uu Somaliland ku bogaadiyey amniga, xasilloonida, dimuqraadiyadda iyo horumarka ay ku tallaabsatay, isaga oo ku tilmaamay Somaliland tusaale wanaagsan oo ku dayasho mudan marka la eego nabadda, xasilloonida siyaasadeed, dhismaha hay’adaha dawliga ah, dimuqraadiyadda iyo qabsoomidda doorashooyin xor iyo xalaal ah.

Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ayaa sidoo kale xaqiijiyey in Dawladdiisu ay sii wadi doonto xoojinta iskaashiga iyo taageerada ay siiso Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo ballanqaad ay labada dhinac ku adkeeyeen sii xoojinta wada-shaqaynta iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska.