Xisbiyada Mucaaradka Ee Deegaanka Somalida Oo Walaac weyn ka Muujiyay Shirwaynaha Wadatashiga Qaran

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Xisbiyada mucaaradka ee Deegaanka Soomaalida ayaa walaac weyn ka muujiyay geedi socodka shirwaynaha wadatashiga qaran ee Itoobiya oo maalinta berri ah furmaya.

Xisbiyada FEP, SFP, UDFP, ONLF iyo WDSP, ayaa sheegay in Deegaanka Soomaalidu uusan helin mataladaad ku filan, taasoo keeni karta in la gaadho go’aano ka dhana arrimaha masiiriga ah ee Soomaalida. Waxay xuseen in ergooyinka loo qaybiyay kooxo, isla markaana go’aanada koox kasta lagu saleynayaa codka ugu badan oo 70%.

Dhinaca kale Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub (EU) oo ka kala yimid xafiisyadooda Brussels (Belgium) iyo Addis Ababa.

Madaxweynuhu waxa uu wafdiga uga warbixiyey xaaladda guud ee Deegaanka Soomaalida, gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada, horumarka, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha, horumarinta adeegyada aasaasiga ah sida biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada, dadaallada lagu dhimayo saamaynta isbeddelka cimilada, iyo xoojinta awoodda hay’adaha fulinta ee DDS.

Dhankooda, wafdiga Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyey isbeddellada muuqda ee ka hirgalay Deegaanka Soomaalida, iyaga oo hoosta ka xarriiqay inay sii xoojin doonaan wada shaqaynta iyo iskaashiga ay la leeyihiin DDS iyo guud ahaan Dowladda Federaalka Itoobiya.