Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa mar kale sheegay in dalkiisu uu “weyday” marin u helidda Badda Cas ee Eritrea, sababo uu ku sheegay go’aanno ay qaateen “xukuumado aan shacabka soo dooran.”
Abiy ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay munaasabadda furitaanka shirka wada-hadalka qaran ee ka dhacay magaalada Addis Ababa, iyadoo khudbaddiisa si toos ah looga baahinayay telefishinka dowladda Itoobiya, ETV.
“Qaabkii aan ku weynay marin u helidda Badda Cas wuxuu ka mid ahaa dhacdooyinkii ugu xumaa ee taariikhda,” ayuu yiri Abiy Axmed.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in daciifnimada gudaha ay qayb weyn ka qaadatay go’aankii Itoobiya looga dhigay dal juqraafi ahaan ku go’doonsan, kaddib markii ay lumisay marin ay muddo qarniyo ah lahayd, maamuli jirtay, isla markaana uga faa’iidaysan jirtay danaha dalka iyo gobolka.
“Ma ahayn in ay jireen awoodo ku dhiirran kara inay waxyeelleeyaan danaha Itoobiya, balse waxa ugu weyn ee arrintan sababay waxay ahayd daciifnimadeenna gudaha,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Hadallada Abiy ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayso xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea, iyadoo Addis Ababa ay dadaal ugu jirto sidii ay u heli lahayd marin-badeed madax-bannaan oo ku yaalla Badda Cas.
Itoobiya ayaa noqotay dal aan lahayn xeeb kaddib markii Eritrea ay xornimadeeda ka qaadatay sannadkii 1991.
