Ra’iisul Wasaaraha Malaysia, Anwar Ibrahim, ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uusan marnaba u tanaasuli doonin go’aanka ay ka taagan yihiin maamulka Isra!!L, isagoo ballanqaaday in si degdeg ah dalka looga saari doono muwaaddin kasta oo Isra’!!Li ah oo lagu dhex arko gudaha Malaysia.
Anwar Ibrahim wuxuu tilmaamay in hay’adaha ammaanku ay baaritaan adag ku hayaan wararka sheegaya in dad u dhashay Isra!!L oo isticmaalaya dhalashooyin kale lagu arkay gobolka Johor, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in maadaama Malaysia aysan aqoonsanayn Isra!!L, aan loo dulqaadan doonin joogitaankooda.
Go’aankan ayaa dib u xaqiijinaya siyaasadda adag ee Malaysia ee ku aaddan go’doominta guumaystaha Isr!!L iyo taageerada ay u fidiyaan qaddiyadda Falast!!n
