Pakistan ayaa u muuqata mid ka fogaanaysa heshiis la xiriira iskaashi difaac oo dhammeystiran la yeelato Dawladda Kuwait, sabab la xiriirta inaysan hadda Pakistan doonayn in lagu soo jiido dagaalka Iiraan, sida lagu sheegay warbixin gaar ah oo ay baahisay Reuters.
Kuwait, hadda waa bartilmamadka ugu sarreeya ee ay Iiraan beegsanayso, iyadoo weerarradii u dambeeyay ee Iiraan ay ku qaaday Kuwait, lagu beegsaday kaabayaasha dhaqaale iyo adeegga bulshada, taasoo xaalad burbur ah dhexda u gelinaysa Kuwait, si ay burburkan uga fogaato dawlada Kuwait, waxay Pakistan usoo bandhigto heshiis ilaalin iyo difaac ah kaasoo la mid ah ka Sacuudiga ay kula jirto Pakistaan.
Pakistan ayaa ka hortagtay inay Iiraan beegsato kaabayaasha Sacuudiga, balse inta saldhigyada Mareykanka ay ku yaalaan Kuwait wuxuu heshiis kasta oo difaac,Pakistan ka hor keeni karaa Iiraan, taasoo Pakistan ay hadda muujinayso inaysan diyaar u ahayn heshiiskan, balse hadii ay Pakistan oggolaato heshiiskan waxay heli doontaa balaayiin doolar oo maalgelin ah.
