14
Xuutiyiinta Yemen ayaa ku dhawaaqay inay si degdeg ah u bilaabeen xanibaad dhanka badda ah oo ka dhan ah Sacuudiga, iyagoo sheegay in tallaabadan ay jawaab u tahay xanibaadda ay Sacuudigu ku soo rogeen dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ee ay maamulaan Xuutiyiinta.
Xuutiyiintu waxay sheegeen in go’aankani uu dhaqan galay isla markiiba, iyadoo xiisadda u dhexeysa labada dhinac ay weli taagan tahay.
