Qodista ceelka shidaalka ee Curad-1, oo ka mid ah mashaariicda sahminta shidaalka ee Soomaaliya, ayaa weli si rasmi ah u socota, inkastoo howlgalka uu wajahayo caqabado ka dhashay xaaladaha adag ee badda.
Sida lagu sheegay wararka laga helayo mashruuca, markabka qodista ee Cagri Bey, oo wata riig casri ah iyo nidaamyo farsamo oo awood u leh qodista shidaalka badda hoosteeda, ayaa la kulmay dabeylo xooggan, bad xiran iyo hir-hoosaadyo culus, kuwaas oo saameyn ku yeeshay awoodda markabka uu si deggan ugu istaagi lahaa goobta qodista.
Si kastaba ha ahaatee, caqabadaha cimilada ayaan hakad gelin mashruuca, iyadoo markabka uu weli sii wado howlaha qodista iyo baaritaanka ceelka Curad-1.
Khubarada la socda mashruuca ayaa sheegaya in xaaladaha badda ay yihiin caqabado caadi ka ah howlaha sahminta shidaalka ee ka dhaca badda, isla markaana ay u baahan yihiin taxaddar dheeraad ah si loo ilaaliyo badqabka shaqaalaha iyo qalabka qaaliga ah ee howlgalka ku jira.
Rajada laga qabo mashruuca ayaa weli sareysa, iyadoo la filayo in natiijada ugu horreysa ee qodista la ogaado dhammaadka sannadka 2026 ama bilaha ugu horreeya ee sannadka 2027.
Haddii qodista lagu guuleysto in laga helo shidaal ganacsi ahaan la soo saari karo, waxay noqon doontaa guul weyn oo dhinaca tamarta ah, taasoo furi karta fursado cusub oo maalgashi, shaqo-abuur iyo koboc dhaqaale oo Soomaaliya u horseeda horumar ballaaran.
Si kastaba ha ahaatee, illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya in shidaal laga helay ceelka Curad-1, waxaana la sugayaa natiijooyinka baaritaannada iyo qodista oo la filayo inay soo baxaan inta u dhaxaysa Diseembar 2026 iyo Janaayo 2027.
