Maalqabeenada Waawayn Ee Uk Oo Dalbaday In Canshuurta Lagu Kordhiyo

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

120 milyaneer oo u dhashay Boqortooyada Midowday (UK), kana tirsan ururka la baxay Patriotic Millionaires, ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha cusub Andy Burnham in la kordhiyo canshuurta laga qaado dadka maalqabeenka ah.

Warqad cinwaankeedu yahay “Proud to Pay”, ayay ku sheegeen inay diyaar u yihiin inay bixiyaan canshuur dheeraad ah, si dowladda ay u hesho dhaqaale dib loogu maalgeliyo adeegyada bulshada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo taageerada ganacsiyada yaryar. Waxay sidoo kale ku doodeen in talaabadani ay gacan ka geysan karto yaraynta sinnaan la’aanta dhaqaale ee sii kordhaysa.

Kooxdan waxaa ku jira shaqsiyaad caan ah oo ay ka mid yihiin weriyaha ciyaaraha Gary Lineker iyo jilaa Julia Davies. Waxay sheegeen in dadka ugu taajirsan Ingiriiska ay awood u leeyihiin inay bixiyaan qayb ka badan tan ay hadda bixiyaan, xilli qoysas badan ay wajahaan culayska sicir-bararka iyo kororka kharashaadka nolosha.

Cilmibaadhisyo ay soo xigteen dhaqaale yahano ayaa muujinaya in haddii la hirgeliyo canshuur sanadle ah oo ah 2% oo lagu soo rogo dadka maalqabeenka ah £100 milyan, dowladda UK ay sannadkii heli karto ku dhowaad £10 bilyan oo dheeraad ah.