Maxkamadda Derejada 1aad ee Gobolka Sool oo Xukuntay Dembiilayaal Taageeray Maamulka Somaliland
Maxkamadda Derejada 1aad ee Gobolka Sool ayaa maanta oo taariikhdu tahay 22/5/2024 xukuntay labada eedaysane ee kala ah; 1. Cabdirisaaq Ciise Guddi, ina Cibaado Geelle, 48 jir ah, 2. Maxammed Cabdirisaaq Cali, ina Caasha Muuse, 20jir ah.
Labada dambiile oo duubay muuqaal 26/2/2024 ay ku taageereen Maamulka SL ayaa kan koowaad waxa ay Maxkamaddu ku xukuntay; 3 sano oo xadhig ah iyo $500 oo ganaax ah, halka kan labaadna ay ku xukuntay sannad iyo lix bilood oo xadhig ah iyo $300 oo ganaax ah.