Wargeyska New York Post oo ku dhow Aqalka Cad ayaa baahiyay warbixin uu ku sheegay Mareykanku inuu ku dhowyahay inuu go’aansado howlgalka ugu khatarta badan oo ciidan Mareykan ah ay fuliyaan oo ka dhici kara gudaha Iiraan.
Duqeymihii iyo weerarrada cirka ee Mareykanku ka fuliyay gudaha Iiraan ayaa noqday kuwa aan is beddel dhalin, wuxuuna dagaalkan ku dhaweynayaa Mareykanka inuu dhexda u galo dagaal dheer, si taa looga baaqsado hadda qolalka militariga Mareykanka waxaa ka socota daraasad ku aaddan iskuday uu Mareykanku ku galayo hawlgallo ay fuliyaan ciidamada gaarka ah, kuwaas oo gudaha u galaya xarumaha nukliyeerka Iiraan si ay ula wareegaan yuraaniyamka la hodmiyay.
Warbixinta wargeyska waxaa lagu sheegay haddii la fulinayo hawlgal dhul ah, kumannaan askari ayaa gudaha u geli doona xarumaha nukliyeerka Iiraan, kuwaasoo la sheegay inay la tacaali doonaan dabinnada iyo khiyaamooyinka amni ee halkaas lagu diyaariyay, waxayna adeegsan doonaan kooxo dhisme iyo injineerro ah oo qayb ka noqon doona hawlgalka.
Intaa waxaa dheer, waxay dhisi doonaan goobo difaac oo ballaaran oo lagu hareereeyo xarumaha.
Koox yar oo gaar ah ayaa markaas soo saari doona yuraaniyamka, iyagoo fulinaya hawlgal aad u khatar badan.
Ka hor intaasna, waxaa lama huraan noqon doonta in dib loo furo meelihii laga geli lahaa xarumaha, kuwaas oo xirmay ka dib duqeymihii uu Maraykanku hore u fuliyay.
