Xuutiyiinta Yemen ayaa iyagoo adeegsanaya gantaalka Sacir 358 oo Iiraan soo saarto waxay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo Sacuudigu lahaa , taasoo ah nooca uu Turkigu soo saaro ee Akinci, xilli ay ku duulaysay hawada gobolka Al-Jawf ee waqooyi-bari dalka Yemen oo xadduud dheer la wadaaga dhulka Sacuudiga, sida ay caawa soo badhigeen oo telefishinka Ruushka ee RT uu baahiyay.
Reer Yemen ayaa iyagoo kabo-la’aan ah, waxay dul tageen burburka gubanaya ee diyaarada Akinci oo qiimaheedu uu ka badan 20 milyan oo doollar.
Horey Xuutiyiinta waxay usoo rideen ku dhawaad 20 diyaaradood oo ah nooca uu Mareykanka soo saaro ee MQ-9 Reaper oo mar looga arkayay Bariga Dhexe diyaarad dilaa ah oo aan laga hortagi karin. Mid kasta oo ka mid ah diyaarada MQ-9 Reaper , waxay qiimo ahaan ka badan tahay 30 milyan oo doolar.
