Trump Oo Hadda Iran Ugu Hanjabay Talaabo Milatari Hadii Uu Fashilmo Wada-hadalo Uu kula Jiro

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Maraykanku uu Iiraan kula jiro wada-hadallo “aad u qoto dheer”, balse uu amri doono tallaabo militari oo “aad u xooggan” haddii wada-hadalladu guuldareystaan.

Trump ayaa u sheegay warbaahinta Axios in uu hakiyay weerarradii ka dhanka ahaa Iiraan kadib codsi uga yimid dalal dhexdhexaadinayay, si fursad loo siiyo wada-hadallada.

“Waxaan Iiraan kula jirnaa wada-hadallo aad u qoto dheer. Haddii ay miro dhalin waayaan, waxaan dib u bilaabi doonnaa hawlgallo militari oo aad u culus.”ayuu yiri Trump.

Mar la weydiiyay inta waqti ee uu diyaar u yahay inuu siiyo dadaallada diblomaasiyadeed, Trump wuxuu ku jawaabay:

“Ma aha waqti badan. Ama si degdeg ah ayaa lagu dhammeeyaa, ama gebi ahaanba lama dhammeeyo.”

Isagoo ka hadlayay sababta uu u aqbalay codsigii dalalka dhexdhexaadinayay ee ahaa in weerarrada la hakiyo, Madaxweynaha Maraykanka ayaa yiri:

“Wax dhibaato ah nama soo gaarsiin.”

Isagoo ka hadlayay booqashada Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ee Washington, Trump wuxuu yiri:

“Waxaan kala hadli doonaa Bibi (Benjamin Netanyahu) xaqiiqda ah in haddii aanan anigu madaxweyne ahaan lahayn, Iiraan ay hadda yeelan lahayd hub nukliyeer ah, Israa’iilna la burburin lahaa.”

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa maanta sheegay in aysan hadda jirin wax wada-hadallo ah oo u socda Iiraan iyo Maraykanka, isla markaana Tehran aysan u oggolaan doonin Maraykanka inuu go’aamiyo waqtiga dagaalka iyo nabadda.

Xog ku saabsan tirada ciidamada Maraykanka ee ku dhintay kuna dhaawacmay dagaalka Iiraan

Ugu yaraan 624 askari oo ka tirsan ciidamada Maraykanka ayaa la dhaawacay halka tirada dhimashada lagu sheegay 18 qof tan iyo markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu amray weerarro ka dhan ah Iiraan bishii Febraayo, sida lagu sheegay xogtii ugu dambeysay ee Pentagon-ka ee la cusboonaysiiyay 25-ka Luulyo.

Dadka la dhaawacay waxaa ka mid ah 417 askari oo loo tiriyay hawlgalka Operation Epic Fury, halka 207 kale loo tiriyay qaybta loo yaqaan “Hawlgallada Dibadda”.

Maraykanka iyo Iiraan ayaa bishii Abriil ku heshiiyay xabbad-joojin, waxayna bishii Juun saxiixeen heshiis is-afgarad hase yeeshee weerarro labada dhinac ah ayaa sii socday intii u dhexeysay.

Toddobaadkii hore, Pentagon-ka ayaa dib u eegis ku sameeyay tirada dadka ku dhaawacmay iyo kuwa ku dhintay dagaalka, iyadoo magacyada afar askari oo ku dhintay howlgalka Operation Epic Fury laga saaray laguna daray tirada dhimashada ee qaybta Overseas Operations.

Nidaamka Pentagon-ka ee fallanqaysa dhaawacyada difaaca, tirada dhimashada ee Operation Epic Fury oo ah magaca loo bixiyay weerarkii ugu horreeyay waxaa lagu qoray ilaa Talaadadii inay ahayd 18 dhimasho 482 qof oo dhaawacmay.

Mar ka mid ah dib u eegista, afar ka mid ah magacyadaas ayaa laga saaray, waxaana Khamiistii tirada dhimashada la dhigay 14 qof.

Afarta askari ee dhintay ayaa hadda lagu daray qaybta Overseas Operations, taas oo sheegaysa inay diiwaangeliso “khasaaraha ka bilowda 7-da Luulyo 2026.” Afartaas ayaa ah dadka keliya ee ku qoran qaybtaas inay dhinteen.