Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa khadka telefoonka kula hadlay wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha, Wang Yi, iyagoo ka wada hadlay xaaladda cakiran ee Bariga Dhexe.
Labada dhinac ayaa si gaar ah diiradda u saaray horumarka ka socda gobolka, iyagoo adkeeyay baahida degdegga ah ee loo qabo in dagaalka si dhakhso ah loo joojiyo, isla markaana la qiimeeyo dadaallada diblomaasiyadeed ee socda.
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii loo adkeeyan lahaa muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo joogtaynta marinnada gaadiidka, sahayda tamarta iyo silsiladaha ganacsiga, si looga hortago saameynta dhaqaale ee dagaalka.
Wadahadalkan ayaa sidoo kale lagaga hadlay xoojinta xidhiidhka labada dal, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen danayn ku aaddan xoojinta iskaashiga mustaqbalka.