Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz oo maanta la hadlay telefishinka Israa’iil ee Channel 14 ayaa si jees-jees ah uga ka hadlay weerarradii ay Iiraan ku qaaday dalalka Khaliijka, wuxuuna yiri:
“Iiraan si fiican ayay u og yihiin in diyaaradaha dagaalka ee Maraykanku ay ka kacaan saldhigyada ku yaalla gudaha Israa’iil islamarkaana ay weerarro ugu qaadaan Iiraan, iyaguna waxay gantaallo ku garaaceen dalalka masaakiinta ee gobolka, marka laga reebo Israa’iil.”
Wuxuu intaa ku daray; “Xitaa diyaaradaha shidaalka ku siiya hawada diyaaradaha kuwa dagaalka waxay ka duulaan saldhigyo ku yaal Israa’iil.”
